Ugu yaraan afar ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo Israa'iil ay ku qaaday xarunta gargaarka ee UNRWA ee Gaza
Ugu yaraan afar
qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo ay Israa'iil ku qaadday meel u dhow
xarun gargaar oo ahayd xarunta ugu weyn ee hay'adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA ee marinka Gaza.
Duqeymaha cirka
ee Axadii ayaa lagu garaacay albaabka ugu weyn ee xarunta ururka ee magaalada
Gaza ee waqooyiga gobolka go’doonsan, waxaana ku dhaawacmay dad badan oo
Falastiiniyiin ah. Xarunta waxaa loo isticmaalaa in lagu qaybiyo gargaarka
bini'aadantinimo ee yar ee gala Gaza.
Boqolaal qof oo ka barakacay duulaanka dhulka ee ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen Qaza ayaa gabaad ka dhiganayay gudaha xarunta markii uu shilku dhacay.
Weerarkan ayaa
kusoo beegmaya iyadoo maalin ka hor ay magaalada oo dhan ka dhaceen duqeymo
dhowr ah oo ay ku jiraan xerooyinka Shaati iyo Tufax, halkaasoo
Falastiiniyiinta kasoo barakacay waqooyiga dalkaas loo sheegay inay magan-galyo
raadsadaan ciidamada Israa'iil. Ugu yaraan 42 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay
weeraradaas.
Wasaaradda
caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay Sabtidii in ugu yaraan 101 falastiiniyiin ah
lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo 169 ay dhaawacmeen.
Tani waxay ku soo beegantay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo 8-dii bishii June ee sanadkan xasuuqii loo geystay xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ay ku dhinteen ugu yaraan 274 falastiiniyiin ah, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen howlgal dharaar ah oo dhacay, kaasoo lagu soo furtay afar maxaabiis Israel ah.
0 Comments